More Articles
Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xuntahay dagaaladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid murugo leh oo laga baaqsan karay dagaal dhex mara dhalinyaro Soomaaliyeed.
Warkii oo dhan
Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga, waa markii ugu horeeysay tan iyo markii ay Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland oo ay madaxda labada Dowladood ay waji ka waji ay isku hor fadhiistaan ayna uga wada hadlaan khilaafkoodi.
Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay iskusoo dhiibeen ciidamo katirsan kuwa xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo maanta dagaal kula galay deegaanka Raaskambooni Ciidamada Jubbaland.
Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu maanta soo saaray ugu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, kaasoo badalaya guddoomiyahii hore ee gobolka iyo Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee ka howlgala deegaanada Jubbaland Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee ciidamada ineysan ku dhex milmin khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland.
Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareyay talaabooyin uu tilmaamay iney ka hor imaanayaan Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya oo ay Itoobiya ka wado gudaha dalka.