Friday, May 30 2025
By Bazi Bussuri Sheikh

Sanadka 2012kii markaan da’yari awoowe ku noqday maadaama aan da’yari ku guursaday ayaa waxaa igu soo dhashay fakarka ah inaan qoro maqaalkan hoos ku xusan oo aan kaga digayo bulshada Soomaalida Qurbaha ku nool, Furiinka oo ku soo badanaya Bulshada Qurbajoogta. Maqaalkii markaan qoray ayaan u diray bogga internetyada ay Soomaalidu leedahay. Isla markiiba waxaa soo geliyay Boggoodi Hiiraan Online iyo Markacadeey.com. Maqaalkaas oo ku qoran Ingiriisi, waxaad ka heli kartaa halkan: Rising Divorce among Somalis is a Cause for concern.
Runtii maqaalkan Soomaali badan ayaa akhriyay, oo xittaa khaar badan ayaa si gaar ah email mahadcelin iyo bogaadin ah ii soo diray. Sidoo kale dadka ka faaloonaayay ayaa badankoodi ka helay nuxurka maqaalka. Laakin waxaa jiray akhristayaal oo si toos ah aniga ii caayayay shaqsiyaddayda oo aan fakarkooda maqaalka ku aadanayn. Qofka aadanahana runtii waa dhaawacaysaa dareenkiisa. Nasiib wanaag markaan e-mailkayga fiiriyay Waxaan arkay emailka Ahmed Gure oo igu leh kuwa ku caayaya warkooda ka bax, maqaalkaada wuxuu ahaa maqaal loo baahnaa oo waqtigiisa yimid. Fadlan Howshaada Wacyi-Gelinta Meesha ka sii wad. Runtii farriintan yar ee Axmed Gure ii soo diray waxay igu riixday inaan ku dhiirado qoraalka oo waaba naxdin gooyay. Alxamdulillaah maqaalo badan ayaan maqaalkaa ka dib qoray iyo 4 buuggaag oo bulshada Soomaalida u bogtay.
In Muddo ah ka dib ayaa 2023dii laygu marti-geliyay Mogadishu International Book fair. Subaxdii anigoo la fadhiya qorayaal iga da’weyn oo caan ah ayaan Sheekadii u sheegay. Markaasay ayagana yiraahdeen anagana sidaasoo kale ayaan Ahmed Gure abaal ugu haynaa oo wuxuu ahaa nin qorayaasha aad u qadariya. Markay sidaa igu yiraahdeen ayaan go’aansaday inaan baraha bulshada si daah furan aan ugu mahadceliyo Captain Ahmed Gure:

Intuusan geeriyoon ayaan, Asagoon ogayn ayaan Mahadcelintaan kor ku xusan ayaan si daah furan u soo dhigay boggayga Twitterka iyo Facebookga. Sidoo kale dad badan ayaa ayagana kaga faalooday dabeecad wanaaggiisa iyo dad-jaceylkiisa. Ahmed markii la wargeliyay oo uu ku arkay baraha bulshada ayuu telefoon ii soo diray iguna yiri. Hal email oo dhiirigelin aan kuu soo diray ayaad sidaan igu mahad celinaysaa. Dad badan oo intaa iyo in ka badan aan u qabtay ayaa jira, mararka qaarkii mahad celin iska daayee, afkooda ayaa ku soo gaaraya. Wuxuu yiri nolosha Casharadeeda wuu badan yahay, tan waa cashar cajiib ah. Mahadcelintaan hoose waa fariintiisa barta twitterka:

Ugu Dambeyntii, geeridiisa ka dib alle ha u naxriistee, anigoo la fadhiya guddiga Golaha Qurbajoogta Soomaalida oo aan xubin ka ahay ayaa waxay xusayeen aasaasayaasha 100ka qof kuwa geeriyooday. Markaasay Xuseen Abwaan Axmed Naaji Sacad iyo Captain Axmed Guure. Waxaan markaa soo jeediyay in loo sameeyo xus lugu xusaayo noloshooda iyo saameynta fiican ay bulshada ku yeesheen. Guddiga waa igu raacay, laakin waxay shardi igaga dhigeen inaan howsha iyo qabanqaabada aan anigu lahaado maadaama reerka labada Axmed ay Magaalada London ay badankoodi joogaan. Sidii ayaan qabanqaabada howshiisa ku galnay, reerkana markaan u soo bandhigay way ila soo dhoweeyeen fakarka. ILaahay Labadoodiba Jannada ha ka waraabiyo. Barnaamijka Wuxuu Dhici Doonaa:

Maalinta Arbacada 28 May 2025, 6:00 PM – 9:00 PM ayuu barnaamijka noo soo gabagaboobay. Waxaan Alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo. Howlihii bulshada uu u qabtayna sadaqah jaariyah Alle ha uga dhigo. Aamiin.
Bazi Bussuri Sheikh is Somali British, author of "Marriage and Ego Within" & "Transforming our lenses on Africa, Co-founder of Help Yateem and a board member of Global Somali Diaspora