12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Soomaaliya ha ka Waynaato Diblumaasiyadda Kaalmada
By Mohamed Ibrahimrashid Khalif
Saturday December 30, 2023

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud. Photo: Evelyn Hockstein/Pool/AFP via Getty Images.

1856-dii, Richard Burton markuu ka warramaye xeebaha Soomaaliya iyo ganacsiga ka socday, baa waxa uu ku sifeeyay sida ashqaraarka leh ee Soomaalida u danaynayaan kororka shilimaadkoodo, “Dhulka wax i sii.” Sida diblumaansiyiinta waddamadooda u soo dirsanayaan Soomaaliya ay u goobaan xogaha dalka loo dirayo, khaasatan kuwa ree Galbeedka, buugga Richard waa mid aan laga waayi karin rastada buugtooda. Niyadjabka waa marka weedha Richard ay u fahmaan diblumaasiyiinta ree galbeedka sida in Soomaalidu leedahay noo kaalmeeya.

Is waafajinta fahamka kaalmada caalamiga iyo danaha ku lifaaqan, layaab malaha culimada cilmiga siyaasadda in ay u arkaan kaalmada caalamiga ah siyaasad arrimo dibadd oo xeelad badan. Malo awaal badan baa jiro kaas oo Soomaaliya laga qaatay waxaana ayandarri ah in maloawaalkaas qaaciddada lagu xaqiijiyay uu yahay qiyaas aad u sarreeyo.

Caalamka si hor leh ayuu ula jaanqaaday aragtida kaalmada caalamiga. Dhammaan waddamada caalamka si un bay ugu lug yeeshaan kaalmada: ha bixiyaan ama ha helaan. Sida guud kaalmadu waxay ku haysaa dhabarkeeda ugu muhiimsan dhursugidda ujeedooyin siyaasad, waana mid ka mid aragtiyada waawayn ee lagu iftiimiyo ujeedada lagu xaqiijin karo waxa loo yaqaano kaalmada aha ahaato mid lagu taageerayo dhimaha haayada dawladeed ama enke kaalmada baniiaadmi.

Waa la soo shixnadaa kaalmo si masaalix aan la mid ahayn kaalmadaas ugu baddashaan deeq bixiyeyaasha. Isla kaalmada ayaa hoggaamiyeyaal lagu beegsadaa si loo dhaafiyo arriminta kolka la doonana qalalaaso kicin baa loo adeegsan karaa.

Iyada oo uu sidaas tibaaxayo fahamka hadda jiro ee mataaneeyo diblumaasiyadda iyo deeqda, la yaab ma lahan in dhinacyo badan loo dhigaa xiriirka ka dhaxeeyo diblumaasiyadda iyo kaalmada. Laakiin waa in la garowsadaa in uu jiro miisaan aan ku xaqiijin karno waxa ka run ah dhaqanka kaalmo ku tiirsiga iyo aragtida ay ku doodayaan deeqbixiyeyaasha. Diblumaasiyiin badan oo waddamadooda uga hawlgalo Soomaaliya oo kaliya kuma koobno adeegsiga fasiraado aan waaqic ahayn. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, baa isagoo ka garab yuusayo waayeelka diblumaasiyadda Maraykan danjire Donald Yamamoto, baa adeegsan jiray weedha ally oo uu ula jeedo inuu “Xulafo” ku fasiro nooca xiriir ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Maraykan. Marna Maraykan uma arko Soomaliya in ay xulafo u tahay balse kali saaxiib ayuu u arkaa.

Raajicinta danaha Soomaaliya oo aany kali ahayn inta hadda lagu holganyahy ee kaalmada caalimiga ugu horrayso, waxay markastaa qaadanaysaa in aqoon iyo khibrad loo leeyhay dawlad aqoon nimada. Waxaa si kooban loo dhahaa afarta xirfadood ee dalka muhiimka u ah, waxaa ka mid ah diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha. Yeelkeede, dadaalka diblumaasiyiinta baa mararka qaar kaa yaabsanayo. Markaad dhanka deeqbixiyeyaasha dhagaysato, waxaad billaabaysaa in aad si xiiso leh ugu garowdo. Waa tii oraah Soomaali ahayd “nin bukaa, boqol baa u taliso” oo hadda ka dhigan in Soomaalida boqol daryeelkooda maagan ay u talinayso.

Mandiqad quwadihii waawaynaa muhiim u ahayd una arkeen ku hardankeeda mid ka khatarsan galiddii Raashiya ku gashay Afagaanistaan sideetamaadkii ama 1991 Dagaalkii Khaliijka. Waxay sababi kartay ku hardanka Badda Hindiya isu adeegsiga hubka sida ba’an wax u gumaado beryihii dagaalka qaboobaa. Waa mid aan la aamini karin in waxa ugu muhiimsan ee uu uga soo talo geli karo danjire waddankiisa soo dirsaday mandiqadda Geeska Afrika in ay tahay kaalmo banii aadam iyo masaggo qaybin. Gegedii militeri ee uu dhisay Midawgii Shuuciga Sofeyeet ee Bali Doogle, waxaa maamulo qalab casri ahna u yaalaan ciidamada Maraykanka taniyo 1978 ka dib markii ay Soomaaliya eryiday dhammaan diblumaasiyiintii iyo la taliyeyaashii amni waxa xulafadeedii shuuciga burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dibna Maraykan waxay suuragelisay in ay saaxada saamaynta Soomaaliya dib ugu soo laabato sidiina u degaan Bali Doogle.

Soomaaliya oo kaliya baa ay shaqadeedu tahay hagaajinta dawladnimadeeda. Ururada ay xubin ka tahay Soomaaliya sida Midowga Africa iyo Midowga Dawladaha Carabta baa ahmiyad wayn ka dhigan. Marar badan oo ay qaylo dhaan ka soo yeertay dhaqaalaha Soomaaliya, ka hor burburkii iyo hadda, yabooha dhaqaalo ee ree Galbeedka hormuudka u yihiin waxaa dhacdo in waddamadii carabta ka maqnaadaan shirarkaas taas oo ka caraysiiso Carabta sida ilo diblumaasiyadeed marar kala duwan sheegeen. Ka maqnaashiyaha waddamada Carabta shirarkan oo kale waxay ku fasiraan diblumaasiyiinta ree Galbeedka tayo xumi aqoon la’aan Soomaalida ka haysato shaqadooda.

Mar aan meel dhexe marinaye heerka labaad ee jaamacaddayda oo aan ka diyaarinayay isla jaamacadda aan ka bogtay heerka koobaad kuna qaatay culuumta siyaasadda, madaxna ka ahaa barnaamij ay taageerto Haayadda Horumarinta Caalamiga  ee U.S (USAID), waxaa kulan igu casumay saraakiilsha sarsare ee haayaddan safaaraddooda Nairobi gudaha safaaraddooda Muqdisho. Waxaan isu bogay markaan ku qanciyay dood ah in haayadaha deeqbixiyeyaasha ay kulamo badan yeeshan baddalka booqasho badan ku tagi lahaayeen meelaha ay sheegaan in ay kaalmo gaarsiiyaan. Iyo marka aan ka soo tagayay oon u soo jeediyay inay akhriyaan buug uu borofesarkayga qoray; si dalkayga uga helaan faham ka ballaaran kaalmada kaalmada banii aadmi ee aanu ku axgabnay muddadii kulankeena.

Waxaan hubay saraakiishaas inay akhriyeen buuggii “Safiirka” ee uu qoray safiirkii 9-aad ee Maraykan. Danjire Peter Bridges waxa uu ahaa danjirihii Maraykan u fadhiyay Soomalia 1984-1986. Buugiisa waxa uu si qabwayni xad dhaaf ah uga warramayaa mar suuqa iibka xoolaha ee Sacuudiga iyo Soomaaliya uu Sacuudigu hakad galiyay, inuu la xiriiray sii hayaha hawlaha safaaradda Sacuudiga isagoo wargeliyay in uu dib ugu khabaaro waddankiisa dhacdadan degdegna u wax uga qabtaan.

Waxaa kala baddalo habdhaqanka danjirayaasha Maraykan u soo dirsado Soomaaliya in uu yahay mid lagu soo magacaabay magacow siyaasi sida in madaxwaynaha Maraykan uu soo magaacabo iyo in uu yahay danjirahaas mid goleyaasha U.S soo ansixyeen magacaabistiisa. Waxaa karti badan danjiraha golha guurtiga Maraykan meelmariyaan maadaama uu yahay diblumaasi cod iyo kalsooni cod ku soo baxay halka midka magaacaabis siyaasi ku yimid uu iska gado kaabihiisa soo magacaabay. Ugu badnaan dhammaan danjireyaashii US u soo dirsatay Soomaaliya magacaabis madaxweynahooda bay uga soo hawlgeli jireen Soomaaliya.

Taniyo markuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xafiiska yimid markiisii labaad May 2022, waxa uu sii ballaariyay baahiyaha magacaabista ergay arrimo gaar ugu magacaaban. Qaar ka mid ah culimada diblumaasiyadda baa waxa ay u fahmeen in ay kala saari rabto Madaxtooyada Soomaaliya kaalmada cinwaanka sare ku dhex yeelatay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo inuu danaynayo boor ka jafidda iyo boorinta danaha Soomaaliya ee baaxadda wayn. Waxaase xiisaha badan waxay ahayd in ergay marka la magacaabayay uu u istaagayay wax ka qabadka arrimo gudaha dalka ka jiro. Ergay waxa ay ku wiiqaan dugsiyada aragtiyada siyaasadda arrimaha dibadda: mid qabto shaqo ka baxsan dal iyo ku matalidda madaxwaynaha heeganno ka dhaco badaha shishadooda.

Guddiga ugu culus ee kula xisaabtami lahaa dawladda Soomaaliya siyaasaddeena arrimaha dibadda qorsheyaasheeda horumarinta u leh danaha dalkeena baa nasiib wanaag u jiro heer baarlamaan. Culaysku se waxaa uu ka jiraa xubnaha ugu badan guddigan baarlamaan waxa ay u baddanyihiin dhallinyaro markii ugu horraysay hanatay xafiis adeeg dadwayne, yeelkeeda, waa halka rajo ee jirto. Ma jiraan warbixinno ka soo baxo guddigaan si la mid guddiyada la jaalka ah ee waddamo badan ka jiro. Guddiyada la midka ah ee tusaale ahaan, Maraykan, sanaddii 2017-kii waxa ay soo saareen warbixin dheer oo aay ugu maaro dayayeen ergayaasha uu magaaabo madaxwaynaha Maraykanka oo gaaray wadar lixdan iyagoo ugu damban ku soo koobay kali soddon ergay ka dib markii ay qaar baabi’iyeen, qaar kale u asteeyeen kaalimo kalo, halka qaar waaxo arrimaha dibadda US hore uga jiray lagu dhex daray.

Iftiiminta ugu badan ee aqoon iyo naqdinba ee siyaasadada arrimo dibadeed ee waddan, waxaa door badan hulaaqinteeda ku yeesho xarumaha cilmibaaris- kkhaasatan kuwa siyaasadda arrimaha dibadda u golyo. Waxaa la joogaa in si kor loo sheego baaq ah Soomaaliya ha ka waynaato diblumaasiyadda kaalmada ee ku dhisan maloawaalka lagu hubiyay qiyaaska, oo ka dhigan waxbo. Iyada oo ay nasiib wanaag tahay in gole heer baarlamaan ah oo u igban waajibaad uu ka mid yahay la xisaabtanka khaarijiyaddeena, waxaa iska cad in ay muhiim tahay in fursaddaas loo adeegsadaa sida dadka iyo dawladda Soomaaliya ugu dhacar heli lahayeen kuna xaqiijin karaan matalaad mudan oo ay ka samaysato Soomaaliya fagaareyaasha caalamiga.

W/Q Mohamed Ibrahimrashid Khalif
Cilmibaare deggan Muqdisho
[email protected]


 





Click here