W/Q Xasan Yuusuf Waal
Saturday - November 6, 2021
Itoobiya waxay noqotay dalka saddexaad
ee dalalka adduunka dadkoodu ka badan yahay 10 malyuun ee tacabka waxsoosaarkoodu aad u
kobcay inta u dhaxeeysay sannadihii 2000 ilaa 2018.
Horumarkaa dhaqaale ee Itoobiya gaadhay waxaa garwadeen ka ahaa madaxdii TPLF
(Jabhada Xoreeynta dadka Tigrayga). Si la mid ah, TPLF waxay horseed ka ahayd
hagardaamooyin halbowle-goys ah oo loo geeystay dad badan oo ku nool Geeska
Afrika, gaar ahaan Itoobiya.
Jeel Ogaadeen waa xabsi ku yaalay magaalada Jigjiga oo xad-gudub
xuquuqul insaan iyo gaboodfalyo daran loogu geeystay Soomaali Galbeed. Waa goob
tusaale loo soo qaato marka la tilmaamayo tacaddiyada sida kufsiga, jirdilka,
qofkoo ceegu lagu dilo, hurdo u diidid, cuno iyo daryeel caafimaad la’aan iwm
oo ay TPLF kula kacday maxaabiis badan oo aan dacwad lagu soo oogin. Waxaa jira
dad badan oo ka badbaaday dulleyntii taalay Jeel Ogaadeen oo inta aanan loo soo
dhaa-dhicin xabsiga si dhaqso leh loo dilay. Warbixin ka kooban 130 bog, oo ay
soo saartay Human Right Watch sannadii 2008 ayaa sheegeeysa in dad badan oo
rayid ah lagu xasuuqay saldhigyada militeri ee ciidanka Itoobiya ee ku yaala
magaalooyinka Wardheer, Dhagaxbuur, Duhun, Hamaro, and Shilaabo.
Durduro geelbaa ku jabay! Damaaciga dheeraadka ah ee TPLF ma aha mid
seeran. Wuxuu si xawlli ah u jiidhay xudduudka Itoobiya. Wuxuu gondaha gooyay
kuwii iyaga, dadab iyo toosba (EPLF/Eriteriya iyo Soomaaliya) shalay garabka u
ahaa , markii ay goobahayeen gobannimadda. Haddaba, waa maxay ujeedka dhabta ah
ee TPLF?
Aasaas gurracan
Sida ku qoran TPLF manifesto, mabaa’diida lagu
aasaasay ururka TPLF sannadkii 1975-tii waxaa bud-dhige u ah laba arrimood oo
kala ah: dhul-balaarsi iyo gooni-isutaag ama in qoomiyada Tigrayga oo boqolkiiba
6 ah tirada guud ee dad-weynaha reer Itoobiya ay hesho madax-bannaani iyo dal u
gaar ah (Repuplic of Greater Tigrai).
Saadaasha dadyoow badan ee ku aadan ka
miro-dhalka himilooyinkii TPLF waxay ahayd mid ka fog suurtagalnimada. Dad
badan uma muuqan markaa in jabhad yaroo ku bilaabantay ku dhufoo ka dhaqaaq ay u
babacdhigi karto xukunkii Mengiste Xaayle Maryam oo
saaxiib la ahaa dalal awood leh. Balse garwadeenka
TPLF waxaa ka go’ neeyd ka guul-gaarida hadafkooda iyaga oo u maraya wadiiqo
kasta oo ay wax ugu hagaagayaan (xoog, xeelad, xaq iyo xaqdaraba!).
Marar badan ayaa lagu eedeeyay TPLF
dembiyo dagaal iyo in ay xasuuqeen dad rayid ah. Tusaale, sida ku cad
macluumaad ku daabacan xogsaabka Global Terrorism Database, bishii Octoobar
1984 laba boqol oo qof oo caruur iyo haween u badnaa ayay TPLF si
arxan-daro ah ugu gumaaday magaalada Lalibeela ee gobolka Amxaarada.
1989kii TPLF waxay sameeysay dalad
macmil ah oo la yiraahdo EPRDF (Ethiopian Peoples’ Revolutionary Democratic
Front). Waxaa daladaan ku bahoobay
jabhadaha; TPLF (The Tigray People’s Liberation Front), EPDM (Ethiopian
Peoples’ Democratic Movement), OPDP (Oromo People’s Democratic Organization)
iyo SEPDM (Southern Ethiopia Peoples Democratic Movement).
Yagleelida gaashaanbuurtan waxay ahayd
xeelad ay TPLF ku kasbanayso taageero dal iyo dibedba ah, ka dib markii ay soo
ifbaxday fursad ay ku qabsan karto xukunka dalkoo idil. Magacii
Tigray People’s waxa ay ku bedashay Ethiopian Peoples’ . halka mad-habtii
Marxism ay ku bedashay dimoqraadiyad kacaan ah (Revolutionary democracy).
Intaa waxaa dheer, gaashaanbuurta EPRDF
waxay ahayd xoog loogu babacdhigayo labadii jabhadoodoo kale ee xooga u
hubeeysnaa: OLF (The Oromo Liberation Front) iyo EPLF (The Eritrean People's Liberation Front).
Si ka duwan Soomaaliya, Itoobiya waxaa
laga badbaadshay burbur baahsan. 27dii bishii Meey 1991, waxaa ku kulmay London
kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka, Herman Cohen iyo TPLF, OLF,
EPLF iyo ergo ka socotay Mengiste si looga baaqsado balaayo sal-dhigan weyda.
Si fudud ayaa lagula kala wareegay xukunkii dalka. Mengistana magangelyo
siyaasadeed ayaa laga siiyay Zimbaabwe.
Fedaraal ku dhisan qoomiyad (Ethnic
Federalism)
Labadii Juun 1991 waxaa laga dhisay
Itoobiya dowlad ku meel gaar ah oo ay hogaaminayso EPDRF. Durbadiiba, EPDRF
waxay qabatay bishii Luulyo 1991 shir qaran oo ay ka soo qayb galeen 27 urrur
oo mucaarad ku ahaa dowladdii Dergiga iyo wakiilo ka socday beesha
caalamka. Waxaa shirkaa ka soo baxay in
la sameeyo Axdi ku meel-gaar ah (Transitional Period Charter) oo markii dambe u
xuub-siibtay Dastuur Fedaraal ah oo la sharciyeeyay 8dii December 1994, dhaqan
galayna Juun 1995. Dalka waxaa loo qaybiyay 9 gobol oo gobol kastaa loo bixiyay
magaca qoomiyada ugu badan gobolkaa. Isla shirkaa waxaa Eriteria loo ogalaaday
ismaamul gaar ah iyo afti madaxbannaani.
Dastuurka Federaalka Itoobiya waxaa ku
xusan laba qodob oo abuuray dood xasaasi
ah: qodobka 39aad iyo qodobka 40aad. Qodobka
39aad wuxuu dhigayaa in gobol kastaa xaq u leeyahay aayakatashigiisa iyo in uu noqon
karo dal madaxbannaan(The right to secession). Halka qodobka 40aad ogalaanayo in dhulka gaar loo yeelan karo(shacabka gadan
karaan dhulka- The Right to Property). Ogoow, waxa
la fulinayo waa himilooyinkii TPLF; madaxbannaani iyo dhul-balaarsi. Intaa
waxaa dheer, TPLF waxa ay u isticmaali jirtay Qodobka 40aad ee lahaanshaha
dhulka awood siyaasad-dhaqaale oo ay ku muquuniso mucaaradka, muxaafadkana ay
ku naasnuujiso.
Qodobka 39aad ee aayakatashiga wuxuu
ahaa qorshe loogu talo galay TPLF oo kaliya oo cid kale aan loo oggolayn. Si
aysan ugu hanqaltaagin goosasho ama madaxbannaanni, ururka Oromada (Oromo
Liberation Front (OLF), waxaa bilowgiiba lagu laaluushay in lasiiyo kuraasta
ugu badan Golaha Wakiilada marka laga soo tago EPDRDF (EPDRDF 32 kursi, OLF 12
kursi). Inta aysan dhicin ka hor doorashaddii 1992 ee gobolada (kilil), iyo
degmooyinka (wereda) Itoobiya, TPLF waxa ay wiiqday awoodii siyaasada iyo
militeriga ee ururka Oromada. TPLF waxa ay hubka ka dhigtay 20000 oo askartii
Oromada ah. Siddaa darteed, OLF waxay qaaddacday doorashadii Itoobiya ee 1992,
waxayna bilowday dagaal hubeeysan oo ka dhan ah TPLF.
Si la mid ah, horaantii 1994 wuxuu
baarlamaanka cusub ee dowlad deggaanka Soomaalida ku dhawaaqay in afti dadweyne
loo qaado aragtida aayakatashiga sida qodobka 39aad ee Dastuurka Fedaraalku
qeexayo. Balse arrinkaa waxaa si aan gabasho lahayn uga horyimid TPLF. Xisbiga
ONLF oo uu hogaaminayay AUN Xasan Jire Qalinle waxaa lagu bedalay ESDL (Ethiopian Somali Democratic
League). Dad badan ayaa la xirxiray. Febaraayo 22 1994, 81 banaan-baxayaal ah
ayaa lagu xasuuqay magaalada Wardheer. ONLF dibadda ayay u baxday waxayna dib u
bilowday dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka.
Dhanka kale, Qodobka 40aad ee dastuurka
cusub ee Itoobiya wuxuu u sahlay TPLF in ay dhacaan dhul badan iyaga oo ku
tagrifalaya xukunka iyo xoolaha dadweynaha.
Maarso 2005 Human Rights Watch waxay
soo saartay warbixin 64 bog ah oo cinwaan looga dhigay “Waxaa la ugaarsanayaa dadka
reer Anuwaak”. 13kii Diseember 2003 waxaa dad badan oo qoomiyada Anuwaak
lagu xasuuqay gobolka Gambela ee Galbeedka Itoobiya. Waxaa dadkaas loo laayay
si ay u barakacaan (FG. Waxaa loogu gabaday mashruuc magaaleen oo logu
magacaabay “Villagisation or commune programme”).
Cilmi-baaris la soo saaray Agoosto 2011
oo ay maalgalisay DFID (Department for International Development, UK) ayaa lagu
sheegay in EFFORT(The Endowment Fund for the Rehabilation of Tigray) ay qayb
libaax ka qaadatay dhul badan oo ay madaxdii TPLF boobeen. Dhulka la boobay wuxuu
u badan yahay deggaanada Benishangul-Gumuz, Wollo iyo Gondor. EFFORT waxaa
maamule ka ahaa Azeb Mesfin oo
ahayd marwada Ra’iisul Wasaarihii hore ee
Itoobiya Meles Zenawi.
Colaadda Itoobiya iyo Eriteriya
Xurgufta xudduudka ee Itoobiya iyo
Eriteriya waxaa ka horeeyay dhiillo dhaqaale oo dhex martay labada dal. Bishii Nofeember 1997 Eriteriya waxay
shaacisay in ay sameeysatay lacag u gaar ah – NAFKA. Talaabadani waxa ay ahayd
mid ay Eriteriya kaga maarmeeyso lacagta Itoobiya iyo qorsheeynta maaliyadeed(Monetary policy) ee
Addis Ababa. Sidaa darteed, TPLF waxa ay cunaqabateen saartay dhuuniga loo
dhoofsho Eriterriya.
Qorshahayaasha istraatiijiyadeed ee
qarsoon ee TPLF waxaa ka mid ahaa in xoog ama xeelad gacanta loogu dhigo mid ka
mid ah dekadaha Casab iyo Massawa ee Eriteriya. Horaantii 90-aadka TPLF waxa ay
biloowday mashruuc dib loogu xadeenayo xudduudka Itoobiya iyo Eriteriya (Border Rectification Project). Waxaa la abaabulay maleeshiyo Tigreey ah oo ka hawl-gala
soohdinta u dhaxeeysa labada dal si loo barakiciyo beeraleeyda iyo xoolo
dhaqatada Erateriyaanka ah ku nool Badme iyo Tahiti Adibo. Badme waa magaalada
xiisadda iyo xarbiga labada dal xudunta u ahayd.
Bishii Meey 06, 1998, waxaa magaalada
Badme iyo agagaarkeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Eriteria iyo
Itoobiya. Sidoo kale dagaalo ayaa ka biloowday magaalooyinka Burre iyo Zalambessa (Burre wajahada dekada Casab, Zalambessa wajahada dekada Massawa). Dagaalka wuxuu socday laba sano.
Waxaa ku naf waayay dad gaaraya 100,000 oo qof oo labadda dhinac ah. Dagaalka
wuxuu kaloo sababay burbur iyo barakac.
Bishii April 13, 2002 The
Eritrea-Ethiopia Boundary Commission wuxuu Badme u xukumay Eriteriya. Laakiin
Badme waxa ay gacanta Eriteriya dib ugu soo laabatay ka dib markii sannadkii 2018
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu aqbalay heshiiskii Algiers ee sannaddii 2000 iyo xukunka EEBC. Arrinkani
wuxuu sababay in dib loo soo celiyo cilaaqaadka labada waddan. Xalinta arrinta Badme
awgeed, Abiy Axmed wuxuu ku guuleeystay biladda abaal marinta nabadda ee Nobel
Peace Prize.
Xasuuqii Xamar
Hadal kooban, Agaasimahii hore ee Royal African Society Richard Dowden
wuxuu yiri “Soomaaliya oo tabar-daran, oo qaybsan waxay dani ugu jirtaa
Itoobiya”. Rag is galay kala galad la’. Waxa isweeydiinta leh ma’aha sababta ay
TPLF u dhibaateeysay Soomaaliya, ee waa maxaa keenay in Soomaalidu gu’yaal
farabadan ka ogolaato TPLF gunnimo iyo
gumaad? Arrimo badan ayaa loo sababeen karaa laakiin hal baa xaqiiq ah dad
badana ay san ku baraarugsaneeyn in ay TPLF ku mijaxaabisay Soomaaliya mabda’
siyaasadeed oo ku dhisan qabiil (tribal fedarilism).
Qaybi oo xukun! Markii ay TPLF ku guuleeysatay meel marinta Fedaraalka
ku dhisan qoomiyadaha (ethnic federalism) ee Itoobiya, waxay is tuseen in si
fudud Fedaraal ku dhisan qabiil (tribal federalism) looga hirgalin karo
Soomaaliya. Shirar badan oo dib-uheshiisiin ayay TPLF u qabatay ururradii
siyaadadeed ee ku dagaalamayay Soomaaliya (Addis Conference on National
Reconciliation (1993) National Salvation Council (Sodere) (1996). Shirarkaa
Soomaalida loogu qabtay Itoobiya ayaa lagu curiyay nidaam siyaasadeed oo
sababaya in Soomaaliya aysan waligeed yeelan dowlad saldhigata (Federaal ku
dhisan hayb qaybsi xaqdaro ah – The 4.5 formula).
Halka TPLF ay ka maleegeeysay mu'aammaradda, waxaa mar walba jiray
dadaalo dib loogu soo ceshanayo sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.
Nasiibdaro, fursad kastoo dalka lagu xasilinayo waxaa fashilinayay TPLF. Shirkii
Nabadeynta Qaran ee Soomaaliya (SNPC) ee lagu qabtay Carta, Jabuuti sannadii 2000, wuxuu ahaa mid ay
Soomaalida oo dhami ay taageertay maadaama labeentii bulshada Soomaaliyeed ay
qayb ka ahaayeen. Waxaa ka dhashay dawlad
qaran oo kumeel gaar ah (TNG) oo ku dhisan nidaam dowlad dhexe oo awood leh (unitary
structure), in kastoo awood qaybsiga uu ahaa mid beelo iyo foormulada 4.5 lagu
saleeyay!
Maadaama qorshihii Federaalka lagu fashiliyay shirkii Carta, TPLF waa ay
ka hor timid ‘Bayaankii Carta’. Waxay abaabushay koox ka soo horjeeda shirka
iyo waxa ka soo baxay oo ay shirar ugu qabatay magaalooyinka Ceelbarde iyo
Awasa (Itoobiya) horaantii sannadka 2001. Bishii Maarso 23 2001 waxaa Addis
Ababa lagaga dhawaaqay Gole ama xisbi ay ku mideysnaayeen qabqablayaal dagaal (Golaha
Dib u-heshiisiinta iyo Dib usoo nooleynta Soomaaliya (SRRC). SRRC waxay u qalabqaadatay burburinta
dowladdii kumeelgaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta. TPLF oo kaashanaysa
Kenya waxay Oktoobar 2002 ku kulansiisay magaalada Ceeldhooreed (Eldoret
process) ee Kenya qolyihii ka soo horjeeday dowladdii kumeelgaarka ahayd.
Kulankani wuxuu ahaa bilowga hirgilinta nidaamka Federaalka ah oo ay Soomaaliya
hadda isku xukunto.
Waxa ay TPLF xoog dagaal kala hor tagtay Kacdoonkii Maxaakiimta ee sannadkii
2006. Si la mid ah Dowladdii Carta, Soomaalidu waxay aad u soo dhaweeyeen
dhaqdhaqaaqii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga. MMI waxay xoog uga saareen hoggaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho.
Waxa ay dib usoo celiyeen amniga iyo
kala dambeeynta. Waxay dib u howl-galiyeen garoonka iyo dekedda Muqdisho.
Inta u dhaxeeysay Maarso iyo Abriil sannadkii 2007, TPLF waxay ku
xasuuqday Xamar kumanaan kun oo dad shacab ah. “Human Rights Watch waxaa ay
diiwaangelisay kiisas muujinaya in ciidamada Itoobiyaanka ahi ay si ula kac ah
u toogteen una dileen dad rayid ah”.
Weeydiimaha warcelinta u baahan waxaa ka mid ah in ninkii amray Xasuuqii Xamar(Col. Gebre
Egziabher Alemseged, oo loo yaqaano Genaral Gabre) , u faradhuudhuubnaado hawlaha
siyaasada gudaha iyo debedda, dhaqanka iyo bulshada ee Soomaaliya! Sida Africa
Intelligence ay qortay Gabre oo kaashanaya wasiirkii hore ee arrimaha debedda
ee Itoobiya Tedros Adhanom Gebreyesus(hadda ah madaxa WHO) wuxuu muddo toban
sano ah ku hawlanaa gardaadinta gurbood soomaaliyeed oo daacad u noqota danta TPLF
ee Soomaaliya.
Mahadhooyinka beermay
Ka dib dibadbaxyo xooggan oo daba dheeraaday, 2018-kii ayaa ugu dambeyn
laga faramaroojiyay TPLF xukunka iyo dhaqaalaha ay maamulayeen muddo ku dhow 30
sano. Halka TPLF ay ogalaan lahayd hogaaminta Abiy Axmed iyo kuwa kale, waxay
doorbiday dagaal iyo in ay doorasho iskood ugu qabtaan gobolka Tigray. Waana
sababta dhalisay dagaalka ka biloowday gobolka Tigray Noveember 2020-ka oo ilaa
iyo hadda socda ee u dhaxeeya dowlada fedaraalka iyo TPLF.
Waxaa la dilay ama nolol lagu qabtay 47 ka mid ah 167-da qof ee ugu
sareeysa hogaanka TPLF. Madaxda TPLF ee ku dhintay dagaalka waxaa ka mid ah Seyoum
Mesfin- wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya.
Dhib aan dhamaad lahayn ayaa laga dhaxlay xukunkii TPLF. Soomaaliya weli kama soo kabsan faragelintii
TPLF. Dabayaaqadii bishii Nofeember 2020 waxa ay TPLF gantaalo ku riday
magaalada Casmara ee Eriteriya, iyada oo ku eedeeneeysa Eriteriya in ay
taageereeyso dowlada federaalka. Itoobiya waxaa ka socda dagaal sokeeye oo
khatar ku ah degganaanshiyaha gobolka iyo ka shishay. Talaado 2, Nofeember
2021, Golaha wasiirada Itoobiya waxay ku dhawaaqeen in gabi ahaan dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah(nationwide
state of emergency).