6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 5 , 2025
Premier Bank oo Soo Kordhiyay SWIFT “TOOS” ah, Dal kasta ayaad u diri kartaa dhammaan noocyada lacagaha

 Premier Bank - Somali Jobs - somalijobs - somalia jobs - somalijobs net

 

 

WARSAXAAFADEED

Muqdisho, Somalia– 5 Juun 2025 – Bangiga Premier waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa ballaarin iyo hormurin wax ku ool ah oo uu ku sameeyay adeegga dirista iyo helista lacagaha caalamiga ah ee loo yaqaanno ‘SWIFT’.

  • Dhammaan macaamiisha bangigaga, waxay hadda, si toos ah u diri karaan una heli karaan lacagaha iyagoo adeegsanaya nidaamka cusub ee SWIFT-ga, 
  • Macaamiishu hadda waxay diri karaan, isla markaasna loo soo diri karaa dhammaan lacagaha ugu muhiimsan ee dunida laga adeegsado sida USD, Euro, GBP, Yuwan, Dirham, Riyal halka nidaamkii hore uu ku koobnaa dhowr lacagood, taas oo caqabad ku heysay ganacsatada dhoofinta iyo soo dejinta ka shaqeysa.

Premier Bank waxa uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray hormurinta adeeggan si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka oo si xoog leh ugu tiirsan wax dhoofinta iyo wax soo dejinta, waxa uuna ganacsatada dalka u suurtagelinayaa la jaanqaadidda dhigooda dunida iyo dalalka deriska ah, waxa uuna u suurtagelinayaa ku tartamidda suuqyada caalamiga ah.

“Waa waa cusub oo u baryay nidaamka maaliyadeed ee dalka, waana natiijada sanado dadaal ah oo aan ku bixinay in karantiilka dhaqaale uu ka baxo dalkeena oo si toos ah aan dunida ula macaamilno”. Ayuu yiri Abdishakur Afrah, Madaxa Ganacsiga ee Bangiga

“Xal u helidda caqabaddaha lacag dirista/helidda caalamiga ah waxa uu heer cusub u qaadi doonaa ganacsiga, waxa uuna xoreyn doonaa shirkadaha waddaniga ah, halka uu dhiirrigelin doono in shirkado caalami ah ay dalka maalgashtaan” ayuu raaciyay.

Premier Bank waa bangi ganacsi oo rukhsad ka haysta dalka, kana hawlgala guud ahaan Geeska Afrika. Waxa uu caan ku yahay hal-abuur iyo adeegyo casri ah oo u danaynta macmiilku ay udub-dhexaad u tahay. Premier Bank door aad u muhiim ah ayuu ku leeyahay horumarka dhaqaale iyo nidaam maaliyadeed oo bulshadu ka wada faa’idaysan karto.

Xafiiska xidhiidhka dadweynaha

📧 [email protected]

🌐 www.premierbank.so


This content was provided by Premier Bank Somalia and published as paid sponsored content by Hiiraan Online.