Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Ganacsade Maxamed Cabdi Afweyne oo muddo kabadan 10sano ah ku xirnaa Xabsi kuyaala Dalka Belgium ka ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu soo dhameystay xukun Burradoo badeednimo oo ay Dowladaasi ku oogtay.
Isagoo warbaahinta la hadlaayay Afweyne waxa uu shaaca ka qaaday in mudadii uu xirnaa uu ku jiray qol ciriir ah oo aan lahayn xitaa meel si wanaagsan looga neefsan karay.
Odoyaal iyo waxgarad ayaa si weyn usoo dhoweeyay imaanshiyahiisa maanta ee magaalada Muqdisho, Afweyne ayaa la xiray 14kii October 2013 waxaana laga qabtay garoon kuyaala dalka Belgium ka.
Dowladda Belgium ayaa xirtay Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaan Afweyne, oo loo heystay burcad badeednimo, ninkaan ayaa waxa uu ku dhawaaqay bishii Janaayo ee sanadkaas 2013 inuu isaga baxay hawsha dhaqaalaha badneyd ee burcadbadeednimada Soomaalida.
Waxaa lagu eedeeyay inuu lacag malaayiin dollar ah ka sameeyay isaga oo hoggaaminayay koox gangs ah oo dhawr markab oo ganacsi iyo doomaha lagu raaxeysto afduubtay.
Warbaahinta Belgium ayaa ku soo warrantay in Afweyne looga shakiyay inuu ku lug lahaa afduubkii Markab Belgian ah 'Pompei' 2009.
Afweyne ayaa lala xiray nin kale oo la socday markii ay ka soo dageen garoonka dayaaradaha ee magaalada Brussels, kuwaasi oo saarnaa diyaarad ka timid Kenya.
Waxaa la aaminsan yahay in booliis dharcad ah ay isaga dhigeen oo ay ka dhaadhiciyeen inuu wax ka sameeyo filim ku saabsan burcad badeedda, oo sidaasi lagu khiyaamay.