Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta yeeshay shirkoodi Khamiislaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, gargaarka, mashaariicda horumarineed, iyo isu socodka dadwaymaha waxaana kasoo baxay dhowr qodob iyo eedeymo culus loo jeediyay Dowladda Soomaaliya.
Warka laga soo saaray shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa lagu cambaareyay is hortaaga iyo siyaasadey ay sheegeen in lagu sameeyey Gargaargkii Bini'aadinimo ee loogu talagalay shacabka reer Jubbaland.
Wasiirada waxa ay qireen in si ulakac ah loo siyaasadeeyay gargarka iyo tageerada beesha caalamka ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lacagaha gargaarka ee loogu talagalay loo weeciyay in lagu abaabulo dagaalo dhiig badan ku daato oo ka dhaca deegaanada Jubaland.
Dhanka kale Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ku eedeeyay Hay'ada Duulista Hawada ee Soomaaliya in ay siyaasadaysay dhamaan duulimaadyadii garoomada Jubbaland ayna joojisay dhammaan duulimaadyadii ra'yidka ahaa ee garoomada Jubaland, kuna cadaadisay shirkadaha diyaaradaha in ayna u safri karin Magaalooyinka Jubaland.
Golaha ayaa dhan kale waxa ay fadhigooda kusoo hadal qaadeen arrimaha mashaariicda horumarineed ee ka socday Degaanada Jubalanad waxaana ay Dowladda Federaalka ku eedeeyen in ay hakisay qaar kamid ah mashariicda hormarineed ee kasocday deegaanada Jubaland iyadoo taasi ay ku tilmaameen mid wiiqaysa adeegyadii bulshada iyo dib usoo kabashada dalka.
Ugu dambeyntii waxa ay Golaha wasiirada Jubbaland ay Dhammaan hay'adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ku wargelisay in wixii hadda ka dambeeya gargaarka ku wajahan Jubaland ay kala xiriiri karaan oo kaliya Maamulka Jubaland iyadoo aan loo marin Dowladda Federaalka.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO DHAMAAN QODOBADII SHIRKA KASOO BAXAY.