Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee Gobolka Awdal ayaa maanta soo qabtay saddex nin oo Arbacadii askari booliis ah ku dilay magaalada Gabiley.
Raggan oo ku eedaysan inay ka dambeeyeen dilka Buux Mawliid Ismaaciil, oo ka tirsanaa ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa nabadgalyada waddooyinka, ayaa gacanta lagu soo dhigay.
"Ciidanka Booliska JSL ee Gobolka Awdal iyo Gabiley oo iskaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay saddex eedaysane oo ku eedaysan inay 8-da bisha January 2025 magaalada Gabiley ku dileen Marxuum Buux Mawliid Ismaaciil," ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday booliiska.
"Hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen ciidanku, waxaa lagu soo qabtay dhammaan eedaysanayaasha degaanka Cali Xaydh ee G. Awdal. Dhammaantood, eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgeyn doonaa hay'adaha garsoorka," ayay warbixinta booliisku sii raacisay.
Askarigan oo sidoo kale ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Tima-Cadde ee magaalada Gabiley, ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay imtixaan uu jaamacadda ku lahaa.