Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday in wax ka yar todobaad gudahiisa kusoo saaro doonaan Jadwalka doorashooyinka dalka.
Cabdikariin Axmed Xasan oo ah guddomiyaha guddigaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Warbaahinta ayaa ugu horeyn sheegay in guddiga uu yahay mid madax banaan, islamarkaana shaqadiisu tahay in dalka ay ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah oo hufan.
“Waxaan idinla wadaagi doonaa todobaad gudahood jadwalka weyn ee doorashada, marka uu billaabanayo diinwaan gelinta ururada, codbixiyaasha, waxaan bilaabi doonaa inaan asteyno goobaha doorashada” ayuu yiri guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa xusay in doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto ay u dambeysay sanadkii 1969-kii, hayeeshee haatan guddigooda uu diyaar u yahay in ka badan 50 sano kadib in dalka ka qabtaan doorasho dadka Soomaaliyeed ay kusoo dooranayaan hoggaankooda.
Si kastbaba ha ahaatee guddigan doorasho ayaa la magacaabay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana magacaabista guddigaan ka horyimid maamulada Puntland, Jubbaland iyo xubnaha Mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka.