Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Waddamada Chad iyo Senegal ayaa aad uga xumaaday hadal uu Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ku tilmaamay waddamada Afrika "Abaal laawyaal", aan uga mahadnaqin dowladiisa taageerada millateri ee uu siiyo waddamada qaar.
Macron waxa uu sheegay in waddmada Afrika ay iloobeen in ay "Mahadsanid" ku yidhaadaan dowladiisa, oo ay uga mahadnaqaan taageerada uu Waddamada Galbeedka Afrika ka siiyay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. Waxa uu ku andacooday in waddamada gobolka Saaxiil anay madaxbannaani heleen taageerada Farankiisa la'aanteed.
Chad iyo Senegal oo kamid ah waddamada Afrika ee uu Faransiisku mudada dheer ku lahaa saldhigayada millateri, lakiin hada codsaday in askarta Faransiisku ay ka baxaan dhulkooda, ayaa hadalka Marcon ku tilmaamay quudhsi ah, iyaga oo sheegay in Faransiisku uu colaado ka huriyay Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Chad, Cabdiraxmaan Koulamallah, ayaa sheegay in hadallada Macron ay muujinayaan quudhsi uu u hayo Afrika, "Chad waxa ay walaacwayn ka muujinaysa hadalka uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Faransiiska oo ka tarjumaya dhaqan quudhsi ah oo lagula dhaqmay Afrika, madaxda Faransiisku waa in ay bartaan sida loo ixtiraamo Afrika" ayuu yidhi Koulamallah, sida ay BBC-du qortay.
Raysal Wasaaraha Senegal, Ousmane Sonko, ayaa Faransiiska ku eedeeyay in uu qaarada Afrika qalalaase galiyay iskadaa in uu nabad sugo eh, isaga oo sheegay in Faransiisku uu qaybwayn ka ahaa hurinta colaada ka taagan waddanka Liibiya.
Sannadihii u danbeeyay waxa Waddmada Galbeedka Afrika ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Faransiiska ee gobolka, oo muddo dheer saldhigyo ku lahaa. Faransiiska ayaa lagu eedaynayaa in uu si khaldan uga faa'iidaystay khayraadka dabiiciga ah ee waddmadan oo uu hore u gumaystay.