1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2025
Boqollaal Hablo Muslimiin Itoobiyaan Ah oo Loo Diiday in ay Xijaabka Dugsiyada Ku Tagaan
 

Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Cadaadis ayaa soo foodsaaray Muslimiinta Itoobiya kadib markii Maamulka Dugsiyada magaalada Axum ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya uu soo rogay amar hablaha Muslimiinta ah u diidaya in ay xijaabka ku dhigtaan dugsiyada.

Amarkan ayaa sababay in in ka badan 159 hablood oo Muslimiin ahi ay ku dhacaan waxbarasho la'aan kadib markii loo ogolaan waayay in ay dugsiyada ku dhigtaan xijaabka ay diinta Islaamku ku waajibisay dumarka Muslimiinta ah.

Golaha Sare ee Islaamka Gobolka Tigray ayaa cambaareeyay tallaabadan isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga ixtiraamka diimaha ee Itoobiya u yaalla. "Tallaabadani waxay xagal-daacinaysaa dhaqanka ixtiraamka diimaha kala duwan ee waddanka," ayaa lagu yidhi war kasoo baxay golaha sida VOA qortay.

"Goluhu wuxuu ku eedeeyey maamulka dugsiyada in ardayda gabdhaha ah ee Muslimiinta ahi ay wajahayaan cabsi-gelin, iyadoo qaarna la xidhay, qaar kalena lagu dhibaateeyay xijaabkooda."

Mid ka mid ah hablaha fasalka 12-aad ee Muslimiinta ah ee Dugsiga Sare ee Axum oo magaceeda qarisay ayaa VOA ku tidhi, "Iyadoo ardaydii aanu isku fasalka ahayn ay waxbarashadoodii wataan, anigu guriga ayaan joogaa. Waxa aan rajaynayaa in dowladdu ay amarkan dib u eegis ku samayso."

Amarkan cusub ayaa sii kordhinaya tirada ardayda Itoobiya ee dugsiyada ka maqan, oo markii hore ahaa 9 milyan oo arday, kuwaasi oo awoodi waayay in ay dugsiyada tagaan colaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah awgood. Waxa la xidhay in ka badan 6,000 oo dugsi Itoobiya oo dhan ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.