Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Badroolka Xukuumadda Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ayaa galabta kulan xasaasi ahaa kula qaatay Baledweyne Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, Culimada, Dhallinyarada iyo Haweenka beesha Xawaadlle.
Kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanaayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaan daro ee ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ugu horeyn kulanka ka hadlay Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe oo beesha Xawaadle codsaday in amniga magaalada kusoo wariijiyaan gacanta ciidanka dowladda.
"Amniga Beledweyne ayaad sugi la'dahay maxaa amni dal ka qaba kartaa ayaa i hortaal, waxaan idinkaga baahanahay inaad boogtaas iga tirtaan, Baledweyne waxay u baahan tahay inaan lagu sii fiirsan waxyaabaha ka socda ee dib u dhigay ee waa in amniga gobolka Hiiraan waa in nalagu soo wareejiya, hada kadibna ma aqbali doono inaan aragno maleshiyaad qoryo ku dgex wata magaalada iyo dhagxaan wadooyinka la dhigayo" ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dhankiisa in marka hore ay muhiim tahay in la xaqiijiyo amniga Baledweyne, si wixii kale ee tabasho ah loo saxo.
"Xaalada magaalada cid walba way la socota oo qof aysan dhibeyn majiro, marka waxaan u baahanahay in amaanka magaalada aan ku wareejino gacanta ciidanka xoogga dalka iyo Nabadsugida, waa in la baneeyo xarumaha dowladda oo wiilasha meelaha jooga hal meel la isugu geeyo si nabad iyo xal waara loo helo oo wixi siyaasad ah tabashadeedana kadib ayaa la gali kara" ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Baledweyne ay tahay magaalo ku suntan Halganka xureynta dalka, islamarkaana aanan loo baahneyn in waxa ka jira lagusii eegto.
"Reer Baledweynow waxaa tihiin aas aasayaashii kacdoonka Khawaariijta halgan ayaa ku suntan tihiin ee amniga xumada ha isku fiirsana dadkii dalkaan inuu xuroobo dhoiga u shubay ayaa tihiin, dhiigii aad sharafka ku shubteen iyo wadooyinkii aad furteen in dhib kale kasoo yeero wax wanaagsan maaha" ayuu yiri Jenaraal Odawaa Yuusuf.
Ugu dambeyntii Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle ayaa masuuliyiinta ka socotay dowladda Fedaraalka la qaatay in amniga guud ee magaalada lagu wareejiyo ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Arrintaan ayaa la dhigan inaan hada kadib amniga Baledweyne aysan waxba ka quseyn ciidamadii kala taabacsana maamulada Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo mudo dheer ku loolamaayay gacan ku heynta magaalada Baledweyne, waxaana loolankaasi uu keenay dhibaatooyin badan oo dhanka amaanka ah, sida dhaca dadweynaha loo geysanaayay iyo isbaarooyin tiro badan oo sharci daro ah.