1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2025
Taliye Sanbaloolshe oo soo afjaray khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganeey
 

Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey.

Mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi ah uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku ah qaranimada dalka.

Taliye Sanbalooshe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii mad madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.

"Waxaa maanta soo afjarnay kulamo mudo soo socday oo ugu dambeyn sababay in deegaankooda dib ugu soo laabtaan walaalkey Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa oo horay Maxkamadaha dowladda waaran ugu jareen, heshiiskaan waa mid ay og yihiin madaxda ugu sareysa dalka, waana dhameyn doona inta dhiman sida waarankii loo jaray marka aan Xamar tagno aniga iyo Xildhibaan Raaxeeye" ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay mad madowga siyaasadeed.

Ugu dambeyntii Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

"Waxaan ku faraxsanahay in Walaalaheyga Taliye Sanbaloolshe iyo Xildhibaan Raaxeeye ay soo afjareen maanta kulamo mudo dheer inoo soo socday oo lagu dhameynayay mad madowgii dowladda Fedaraalka iyo anaga noo dhaxeeyay, sido kale wan u mahadceliya walaalahey, waxaana maanta kadib cadeynaya inaan si buuxdo ula shaqeyn doono dowladda" ayuu yiri Siyaasi Cabdullaahi Ganey.