1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2025
Hiiraan: Ganacsatada Xoolaha iyo Gaadiidleyda oo ka horyimid go'aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha
 

Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  Ganacsatada Dhoofisa Xoolaha Nool, Gaadiidleyda iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa looga soo horjeestay Nin Carab ah oo la sheegay in dowladda u xirtay dhoofinta Xoolaha.

Ninka Carabka ee la tilmaamay in dowladda Soomaaliya u xirtay dhoofinta Xoolaha ayaa magaciisa lagu sheegay Abuu Yaasir Alyamani.

Ganacsatada ayaa talaabada ninkaan Carabka ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha ku tilmaamay arin qalad ah oo aysan qaadan karin, iyagoona ugu baaqay madaxda dowladda iney ka laabtaan talaabadaas.

"Anigu Xoolaha si fican ayaan u kala garanaya oo Xoolaleey ayaan ahay dhoofka Xoolaha waxaa ku nool 5 qeybood oo kala ah kuwa keena kuwa baaburta saara kuwa soo qumiya, kuwa raro iyo kuwa carada u diyaariyo intaas oo qeybood meel ay kuwada nool yihiin in hal nin oo hadana carab ah in loo xiro waa nasijb daro ee madaxweynahu ma carab ayuu madaxweyne u yahay mise Soomaali" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee gobolka Hiiraan.

Xubnahii kala duwana ee ka hadlay kulanka ayaa dhamaantood ku dhaliilay madaxda dowladda in dhoofka Xoolaha u xiraan shaqsi carab ah, taasoo ay ku tilmaameen in dowladdu ay dooneyso iney duugto mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka.

"Xoolaha waa isha kaliya ee dadka Soomaaliyeed dhaqaalo ka helaan, hadii nin carab ah gacanta loo galiyayna taas macnaheeda waa yaan la noolaanin ee dowladda arinkaas haka fiirsato" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Shirkaan ay Baledweyne ku yeesheen  Ganacsatada Dhoofisa Xoolaha Nool, Gaadiidleyda iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Ku dhawaad ​​100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cambaareeyay go'aanka ganacsadaha Carbeed loogu xiray dhoofinta Xoolaha.