1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo Baledweyne ka bilaawday dadaalo lagu qaadayo Isbaarooyin sharci darro ah
 

Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka.

Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah.

Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah Ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan.

“Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta  amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire.

Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka.

Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka.