1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Ra'iisul Wasaare Xamsa oo faray Ururka haweenka Qaranka inay baneeyaan Guriga Hooyooyinka

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ay ku shaqeeyso Guriga Hooyooyinka, waxaana uu faray Ururka Haweenka Qaranka inay baneeyaan dhismahaasi.

Ra'iisul wasaaraha ayaa si taxadar leh uga hadlay wixii dhexmaray Wasiir Bashiir Goobe xilligii uu ahaa Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Gabale waxaana uu shaaca ka qaaday inay ka gaabsadeen in Haweenka si xoog looga saaro dhismaha maadama ay u hogaansamin warqadii hore ee xafiiskiisa kasoo baxday.

"Haweenka Qaranka waxaan ku amaanaya doorka ay ka ciyaareen garab istaaga Ciidanka xooga, horumarinta Dhaqaalaha dalka iyo doorka ay ku lahaayeen dib u dhiska wadanka" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamsa.

Markii uu warkaasi kasoo yeeray Ra'iisul Wasaaruhu waxaa shir jaraa'id magaalada Muqdisho isla Guriga Hooyooyinka ku qabatay Gudoomiye Batuulo Gabale oo wax laga xumaado ku tilmaamtay hadalka Ra'iisul Wasaaraha, waxaana ay ku hanjabtay in meydkooda laga saari doono oo aysan ka bixi doonin Guriga Hooyooyinka.

Waxaan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono kiiskaan maalmaha soo socda hadii Ra'iisul wasaaraha ku adkeeysan doono in Ururka Haweenka Qaranka laga saaro Guriga Hooyooyinka iyo Ururka diidmadoodi, horey Wasiir Bashiir Goobe waxa uu sheegay in Guriga Hooyooyinka laga kireeyay Shaqsiyaad iyo Shirkaddo gaar ah.