1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2025
Aas Qaran oo Maanta Baledweyne loogu sameeyay Askartii dhawaan lagu dilay Ceel baraf


Axad, January 5, 2025 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aas Qaran loogu sameeyay 6 askari oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka oo dhawaan kooxo hubeysan qabiil ahaan ugu dileen deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Masuuliyiin sar sare oo ka qeyb galay aaska qaran ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka masuuliyiin kale iyo Duubabka dhaqanka oo ay hormuud u ahayeen Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Askartaan maanta aaska qaran Baledweyne loogu sameeyay ayaa 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay meydadkooda ku jiray Farin jeero, hayeshee kulamo badan oo aan loo kala kicin ayaa suurtagaliyay in dhinacyada Abgaal iyo Xawaadle isku afgarteen in ugu horeyn meydadka la aaso.

Si kastaba ha ahaate askartaan ayaa dhawaan iyagoo maraya duuleedka deegaanka Ceel baraf waxaa jidka u galay maleeshiyaad hubeysan oo u beegsaday aano qabiil darteed, kuwaas oo la sheegay in haatan laba ka mid ah gacanta lagu haayo, islamarkaana lagu raad joogo soo qabashada 12 kale oo ka mid ah maleeshiyaad ka dilay askarta.

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed ay si gaar ah indhaha ugu wada haayo sida kiisaan carada badan dhaliyay ay dowladda fedaraalka Soomaaliya kusoo afjari doonto.