1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2025
Qaramada Midoobay oo sheegtay inay kor u kaceen weerarada iyo beegsiga shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Soomaaliya

Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Hay'adda gargaarka Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarrada lala beegsanayo shaqaalaha gargaarka ah ee sahayda bani'aadamnimo keena Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in wadar ahaan 62 dhacdo oo beegsi ah ay ka dhaceen dalka oo dhan intii u dhaxeysay bilihii Oktoobar iyo Disembar 2024, taasoo ka tarjumaysa koroka 8.8 boqolkiiba marka loo eego rubucii saddexaad ee sannadkii tagay ee 2024.

"Rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha, hantida, iyo xarumaha bini'aadantinimada ayaa ahaa kuwo si joogto ah u sarreeya, taasoo muujineysa khataraha joogtada ah ee shaqaalaha gargaarka iyo agabka," ayay OCHA ku tiri warbixinteeda bini'aadantinimo ee la sii daayay.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada howlgallada ciidamada iyo colaadaha socda ee carqaladaynayaan hawlaha bani'aadanimo ee Soomaaliya.

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee gargaarka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka iyo shaqaalaha ka howlgala deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ee dalka.