1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2025
Gabadh 21 Jir Ah oo Kumanaan Canjaladood Dhijital U Badashay Si Ay Taariikhda Somaliland U Xafido
 

Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Xafsa Cumar, oo ah gabadh da’yar oo 21 sano jir ah, ayaa isku hawshay in ay dhijital u badasho 14,000 oo canjaladood oo iskugu jira heeso iyo taariikhda Somaliland, si ay u ilaaliso sooyaalka iyo dhaqanka Somaliland.

Xafsa, oo ka hawlgasha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa dadaal ugu jirta in ay dhijitalays garayso heeso qaraami ah oo ku kaydsan canjaladihii hore ee rikoodhada lagu isticmaali jiray, kuwaas oo si fudud u lumi lahaa haddii aan dib loogu shubin qalabka casriga ah ee lagu kaydiyo codadka iyo muuqaalada.

Xafsa, oo dhawaan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku qaabishay koox wariyayaal ah oo ka socday Kanaalka First Post, ayaa sheegtay in shaqada ay hayso ay u aragto mid aad muhiim u ah.

"Dadku waxyaabahan muhiim uma arkaan, laakiin anigu muhiim ayaan u arkaa, waayo waxay xambaarsan yihiin taariikh dhammeystiran oo dadkayga iyo dalkayga ku saabsan," ayay tidhi Xafsa. "Dadkaygu inta badan wax ma akhriyaan, waxna ma qoraan, laakiin way hadlaan."

Cajaladaha ay Xafsa dhijitalays garaysay waxaa ku jira taariikho hore sida shirarkii Ururkii Dib-U-Xoraynta Soomaaliyeed ee SNM iyo codad kale oo taariikhi ah, kuwaas oo muujinaya waqtiyadii muhiimka ahaa ee Somaliland soo martay.

Dadka reer Somaliland ayaa caan ku ah fanka iyo murtida, iyadoo magaalada Hargeysa lagu naanayso 'Hoyga Fanka Soomaaliyeed.' Hoobalo iyo hal-abuurro taariikhda galay ayaa kasoo baxay magaaladan, kuwaas oo Xafsa ay u aragto in muhiim ay tahay in la kaydiyo taariikhdooda iyo shaqooyinkoodii.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa guud ahaan ka shaqaysa ururinta taariikhda Somaliland, kobcinta akhriska, soo noolaynta dhaqanka, iyo kaydinta fanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.