1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2025
Dowladda Soomaaliya oo soo gabagabeysay wadahadallada farsamo oo ay Masar uga qeyb galayso howlgalka AUSSOM
 

Axad, January 26, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gebagebeysay wadahadallo dhanka farsamada ah oo ay la lahayd Dowladda Masar, kuwaas oo ku saabsanaa ka-qeybgalka Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan dadaallada lagu cirib tirayo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah u adkeysay muhiimadda ay leedahay kaalinta Masar ee xoojinta xasilloonida iyo amniga dalka.

“Waxaan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee Masar ay ka geysan karto caawinta Soomaaliya si ay uga gudubto halista argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Dowladda.

Soomaaliya waxay intaas ku dartay inay rajaynayso inay Masar la shaqeeyaan dowladaha kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay dhawaan oggolaatay in Itoobiya ay kamid noqoto howlgalka nabad ilaalinta  Soomaaliya. Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya muran la xiriira biyaha webiga Niilka.

Qaar kamid ah dalalka gobolka ayaa horey u muujiyay diidmo ay ka qabaan in Masar laga qeybgeliyo howlgalka AUSSOM.