Axad, January 26, 2025 (HOL) - Wafdigaan
ka socda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sooddimaha
ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah
maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnahaan
ka tirsan guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Baydhabo u
tagay dardar galinta howlaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee la
filayo in dalka ka qabsoonto.
Yuusuf
Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee
maanta Baydhabo gaaray ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka
Baydhabo u tageen iney tahay dib u howlgalinta xafiiskii guddiga ee
magaalada Baydhabo.
"Waxaan
Baydhabo usoo gaarnay sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiskii
Guddiga Doorashooyinka ee halkan oo muddo aan lagu shaqeyn iyo in aan
guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah" ayuu yiri Yuusuf
Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka
Qaranka.
Guddigaan madaxa
banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa horay uga horymid
Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah,
kuwaas oo Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in guddigaan
uu ku doonayo m boob doorasho.
Ugu
dambeyntii dhawaan ayay aheyd markii guddiga madaxa banaan ee
doorashooyinka qaranka uu Muqdisho ka shaaciyay jadwalka doorashada,
islamarkaana sidoo kale sheegeen iney furan tahay diiwaan gelinta
ururrada siyaasadda.