Sabti, January 25, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Macalin Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii saakay ka dhacay Masagawaa iyo howlgalo kale oo ka dhacay meelo ka mid ah gobolada dalka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay weerar aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab ku qaaday magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka iney fashiliyeen oo ay ka hortageen weerar qaraxyo ku billaawday oo ay Al-shabaab ku qaaday gudaha magaalada Masagawaa.
“Ciidamada Amniga iyo kuwa deegaanka oo ka war qabay dhagarta Khawaarijta ayaa fashiliyay weerar cadawga uu la rabay inuu ku dhibaateeyo shacabka magaalada Masagawaa, ciidamada ayaa hada si buuxda gacanta ugu haya magaalada Masagawaa” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukar Macalin Maxamuud.
Afhayeenka Wasaraadda Gaashaandhigga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee weerarka saakay ka dhacay Masagawaa looga dilay kooxda Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale guulo waa weyn ka sheegay howlgalo ciidanka Daraawiishta Puntland kula wareegeen Taliskii ugu muhiimsana Daacish ee gobolka Bari Tuursamaale.
Gabagabadii afhayeenka ayaa bogaadiyay howlgalada lagu dagaalamayo Al-shabaab iyo Daacish ee ciidamada ka fuliyeen maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka kala tirsan Hiiraan, Galgaduud iyo gobolka Bari.