1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2025
Raysal wasaare Xamse "Xukuumadda waxaa ka go'an in Guddiga Doorashooyinka ku garab istaagto hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah"
 

Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha oo halkaas kulan kula qaatay xubnaha Guddiga ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

"Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoonta, Xukuumadduna waxaa ka go’an inay ku garab istaagto Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka inay dalka ka hirgeliyaan doorasho caddaalad ah oo ku dhacda si nabad ah, loona siman yahay, laguna kalsoonaan karo” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale Guddiga Doorashooyinka u balan qaaday in Xukuumada ay ku gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad dheeraad ah oo ay u baahan yihiin.

Kormeerkaan uu maanta ku tagay Raysal wasaaraha Soomaaliya xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan Guddiga uu shaaciyay iney bilaabatay diiwan gelinta ururrada dalka.