1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2025
Donald Trump oo hakiyay kaalmada Maraykanka ee dibadda muddo 90 maalmood ah
 

Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo si ku meel gaar ah u joojinaya dhammaan barnaamijyada kaalmada dibadda ee Mareykanka muddo 90 maalmood ah, iyadoo la sugayo dib u eegista si loo qiimeeyo haddii ay la socdaan yoolalka siyaasadeed ee maamulkiisa.

Amarkan oo qayb ka ah tallaabooyin fulineed oo taxane ah oo la saxiixay maalintii ugu horreysay ee Trump ee xafiiska, ayaa dhaleeceynaya waaxda gargaarka dibadda, isagoo ku andacoonaya in ay gacan ka geysaneysaan xasillooni darro caalami ah oo kor u qaadeysa siyaasadaha shisheeye ee ka soo horjeeda nabadda caalamiga ah.

Trump wuxuu ku dhawaaqay in aan kaalmo shisheeye oo Mareykan ah lagu bixin doonin qaab aan si buuxda ula socon siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Mareykanka.

Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio, ayaa sheegay in doolar kasta oo Mareykanka ah oo lagu bixiyo gargaarka dibadda ay tahay inuu buuxiyo saddex shuruudood: "Miyay Ameerika ka dhigaysaa mid nabdoon? Miyuu Mareykanka ka dhigayaa mid xoog badan? Miyuu Mareykanka ka dhigayaa mid barwaaqo ah?"

Trump ayaa muddo dheer dhaleeceeynayay kaalmada dibadda, oo sida caadiga ah ka kooban 1% miisaaniyadda federaalka, Mareykanka ayaa gargaar dhaqaale siiya waddamo ay ka mid yihiin Ukraine.

Soomaaliya, Maraykanka ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn, isagoo sanad kaste lacag ka badan hal bilyan oo dollar ku maalgaliya dowlad dhiska Soomaaliya.