1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2025
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeeysay 66 Qof ee ku Geeriyootay dab ka kacay Hotel kuyaala Turkiga
 

Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Dowladda iyo shacabka Turkiga kaddib dabkii khasaaraha badnaa dhaliyay ee ka kacay hotel ku yaalla magaalada Kartalkaya, oo ah goob caan ah oo Ciyaaraha Barafaka lagu ciyaaro, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo aad u badan, oo dhimasho iyo dhaawac ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay shacabka iyo dowladda Turkiga ay la dareeymeyso murugada dadkii uga geeriyooday Hotelka, waxaana wasaaradda ay bogsiino deg deg ah u rajeeysay kuwa dhaawaca uu kasoo gaaray dabkaasi.

Ugu yaraan 66 qof ayaa ku Geeriyootay dab ka kacay goob barafka lagu ciyaaro oo u dhow Gobolka Bolu oo ku taal waqooyi galbeed ee Turkiga, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Turkiga Talaadadii.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dabku uu ka kacay hotel maqaayad ah oo ku taalla deegaanka loo tamashlaha tago ee Kartalkaya ee gobolka Bolu, isagoo intaa ku daray in dabkaan ay ku dhaawacmeen 51-qof oo ugu yaraan mid ka mid ah uu xaaladdiisu aad u liito.

“Aad ayaan uga xunahay, nasiib darro 66 qof ayaan ku waynay dabkii ka kacay hoteelkan,” ayuu yiri Yerli Kaya oo saxaafadda la hadlay kaddib markii uu kormeeray goobta uu dabku ka kacay.

Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa uga  tacsiyadeeysay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda Geerida 66 Qof ee Hotelka ku geeriyootay waxaana caafimaad deg deg ah u rajeeysay kuwii dhaawaca uu kasoo gaaray inuu alle deg deg usoo bogsiiyo.