1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2025
Kenya oo fiisaha ka dhaaftay dalalka Afrika oo dhan marka laga reebo Soomaaliya iyo Libiya
 

Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa markii ugu horraysay ogolaatay in dhammaan shacabka ka soo jeeda waddamada qaaradda Afrika ay dalkeeda fiisa la’aan ku galaan, marka laga reebo waddamada Soomaaliya iyo Libiya.

Go’aankan oo Talaadadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Kenya oo uu shir guddoominayay Madaxweyne William Ruto, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Libiya looga reebay waddamada Afrika sababo la xidhiidha xaaladooda ammaan oo walaac laga qabo awgeed.

Dadka ka socda waddamada qaaradda ee ka baxsan Bulshada Bariga Afrika, ayaa loo ogol yahay in ay muddo 2 bilood ah fiisa la’aan ku joogi karaan dalka Kenya, halka dadka ka yimaada waddamada ka tirsan Bulshada Bariga Afrika ay ilaa 6 bilood joogi karaan Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in go’aankan looga gol leeyahay in uu kor u qaado isdhexgalka bulshada qaaradda Afrika iyo in uu xoojiyo dalxiiska dalka Kenya, oo sannad kasta ay soo booqdaan dad aad u badan oo dalxiisayaal ah.

"Iyada oo la tixgalinayo siyaasadda hawada isku furan iyo horumarinta dalxiiska, waxaa aanu fiisaha ka dhaafaynaa dhammaan waddamada Afrika, marka laga reebo Soomaaliya iyo Libiya sababo ammaan awgood," ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada jaarka la ah dalka Kenya, isla markaana ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka tirsan ururka Bulshada Bariga Afrika.

Dhinaca kale Kenya waxa ku nool qoxooti aad u tiro badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ka qaxay dagaaladii sokeeye iyo amnidarada ka jirtay gudda dalka, oo aan wali xal buuxa loo helin.