1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2025
Somaliland oo Dugsiyo Waxbarasho u Furaysa Maxaabiista Jeelasha Ku Jira
 

Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay waddo qorshe dugsiyo lagaga hirgelinayo jeelasha dhexdooda si loo kobciyo aqoonta maxaabiista.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay rabaan in xabsiyadu anay noqon goobo ciqaabeed, balse ay noqdaan goobo maxaabiistu wax ku bartaan, sidoo kale ay ka helaan daryeel caafimaad.

"Waa qorshe weyn oo qaran oo muhiim ah oo dunida oo dhan istandarka ah. Dadka maxaabiista ahi waa in ay u noolaadaan sida dadka kale, oo xuquuqaha ay leeyihiin uu qaranku damaanad qaado," ayuu yidhi Wasiir Yoonis. "Taas ayuu salka ku hayaa barnaamijkani iyo ku dhawaaqistiisu".

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda cusub ee Somaliland ay horumarinayso xaaladaha nololeed ee xabsiyada, sidoo kalena ay dhisayso xabsiyo u gaar ah haweenka, maadaama oo ay ka duruufo duwan yihiin ragga.

Waxa uu xusay in xukuumad ahaan ay ka fogaan doonaan in dadka loo geysto xadhig sharciga baalmarsan, isla markaana ay isku dayi doonaan in ay ilaaliyaan xuquuqda cabbirka ra’yiga dadka.

Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani ayaa xukuumaddii hore ee Somaliland aad ugu dhaliili jiray xaaladda xabsiyada iyo xadhigga loo geysan jiray warbaahinta iyo dadka kale ee ra’yigooda cabbira.