1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2025
Qoyska askari gacanta ugu jira Alshabaab oo ka codsaday Kenya sidii loo sii deyn lahaa eheladooda
 

Jimco, January 17, 2025 (HOL) - Qoyska askariga ka tirsan ciidamada Kenya oo la sheegay inuu gacanta ugu jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab muddo 9 sano ah ayaa dowladda Kenya ka codsaday in ay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa Aabbahood.

Cabdullaahi Ciise Ibraahim ayaa ka mid ahaa askartii ay Alshabaab ku qabteen weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ciidamada Kenya loogu geystay deegaanka Ceel-cadde 15-kii Janaayo 2016.

Sagaal sano ka dib markii loo maleeyay inuu dhintay, Saajin ayaa rajadii qoyskiisa dib u soo celisay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya  Cabdullaahi oo kaalmo ka codsanaya dowladda.

"Waxaan ahay askari Kenyan ah. Weerarka ka dib, waxaan fileynay in dowladda Kenya ay u soo bixi doonto sidii naloo sii dayn lahaa si aan dib ula midowno qoysaskeena,” ayuu ku yiri muuqaalka.

Qoyskiisa, oo deggan Maline Estate ee Eldoret, ayaa lumiyay dhammaan rajadii ay ka qabeen nolashiisa, kaddib markii Diseembar 2020 ay Kenya ka heleen  shahaadadiisa dhimasho.

Sida ay sheegtay gabadh uu dhalay saajinka oo lagu magacaabo Kathra, waxa ay Soomaaliya ka heshay taleefoonka nin isku sheegay in uu yahay aabaheed. Shaki la'aan, Kathra waxay codsatay caddaynta muuqaalka. Bil ka dib, waxay qoyskeeda heleen muuqaalka Aabbahood.

Qoyskan ayaa hadda sheegay in ay ku nool yihiin dhibaato maaddaama aysan ka warqabin xaaladda jireed iyo maskaxeed ee aabbahood, ku dhawaad toban sano tan iyo markii ay afduubteen kooxda Alshabaab.

Ka sokoow muuqaalka Cabdullaahi, Al-Shabaab ayaa sii daayay muuqaal kale oo askari Kenyan ah oo ka soo jeeda deegaanka Trans-Nzoia. Fariinta askariga ayaa la mid ah isagoo ugu baaqay in dowladda Kenya in ay ka qeyb qaadato inuu xorriyadiisa dib u helo.