Isniin, January 13, 2025 (HOL) - Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in lasii daayay markab kalluumeysi oo laga lahaa dalka Shiinaha, kaasoo bishi Novembar ee sanadkii tahay lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Markabka ayaa la sheegay iney saarnayeen 18 shaqaale ah, islamarkaana lagu guuleystay in lasii daayo dhamaatood ayagoo nabad qaba, sida ay sheegtay Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.
“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.
Markabkaan iyo Shaqaalaha saarna ee la sii daayay maanta ayaa maalmahii ugu dambeeyay la sheegay in lagu haayay aaga degmada Xaafuun ee maamulka Puntland, waxaana sii deynta markabkaan ay imaaneysa iyadoo ay horay u dalbadeen Burcad badeedda madax furasho dhan $10 milyan.
Si dhab ah looma oga in dowladda Shiinaha ay bixisay lacagta madax furashada ah oo ay dalbadeen burcad badeed iyo in kale.
Si kastaba ha ahaate Soomaaliya ayaa waxaa mudo sanado badan horay u aafeeyay burcad badeednimo, haba ugu sii darmaate sanadkii 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ka badan 160 weerar oo burcad badeednimo ah in laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.