1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2025
Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay hanaanka kamid noqoshada Guddiga Qaranka Tacliinta sare Soomaaliya
 

Isniin, January 13, 2025 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay maanta hannaanka loo marayo xubinnimada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare, sida ay ku caddeeyeen Bayaan ay soo saareen.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu cadeeyay in fursadaan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa bayaankeedi ku faah faahisay waajibaadka Guddiga oo ay noqon doonaan, Dejinta siyaadaha qaran ee Tacliinta Sare, oo la jaangaadi kara ujeeddooyinka guud ee Qorshaha Qaranka, Ka talabixinta horumarinta Tacliinta Sare iyo ku xirideeda baahida suuqa, Dejinta halbeegyada qarán ee ogolaanshaha baraamijta kala duwan ee hay'adaha Tacliinta Sare.

Sidoo kale waxaa waajibaadka Guddigaan qeyb ka ah, Korjoogtaynta siyaasadaha dowladda, ee ku aadan Tacliinta Sare, Qiimaynta shaqa gudashada hay'adaha Tacliinta Sare ee dalka, Fududaynta iskuxirka Hay'adaha Tacliinta Sare, Dejinta xeerarka qaran ee khuseeya Tacliinta Sare, Korjoogtaynta xinirka dibadda ee hay'adaha Tacliinta Sare, iyo

Dejinta qorshayaasha fog ee iskaashiga hay adaha Tacliin- ta Sare iyo kuwa caalamiga ah.

Shuruudaha xubinnimada Guddiga waxaa ka mid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo, iyo cilmibaarisyo hore.

Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare, gaar ahaan Qodobka 12aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada iyadoona codsiyada la xareyn doono illaa 30ka Janaayo 2025, waxaan a ay Wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.