Axad, January 12, 2025 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliil culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyey in uu ku kacay ficillo dhaawacaya sharafta iyo karaamada qaranimada Soomaaliya.
“Febraayo 17, 2024, Madaxweyne Xasan isagoo looga digayey ayuu ka degay Addis Ababa, halkaas oo lagu soo bahdilay. Shalayna ciidanka badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey inuu salaan ka qaato waa bahdilaad kale oo aan marnaba la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku guuleystay inuu niyad-jabiyo madaxda kale ee gobolka, isagoo tusay sida uu sheegay xildhibaanku, in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu ahayn hoggaamiye lagu kalsoonaan karo ama la saadaalin karo.
“Waxaan aragnaa Madaxweyne Xasan oo si ula kac ah u qaawinaya bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed, midba maalin. Waa waajib naga saaran inaanan ku eegan ficilladan,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Ethiopia, halkaas oo uu heshiis ku saabsan xoojinta wada shaqaynta labada dal lasoo galay raysal wasaaraha Ethiopia.