Jimco, January 10, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka maamulka Puntland.
Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid maleeshiyaadka ay ku doonayeen in xabsiga ay kaga soo furtaan maxaabiis halkaas ku xiran oo qaarkood ku xukuman dil toogasho ah.
Wararka hodhaca ah ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay dagaal mudo kooban dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo kooxaha hubeysanaa weerarka ku qaaday xabsiga.
Ilaa iyo hadda ma cadda in maleeshiyaadka ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen iney ka furtaan gudaha xabsiga, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Puntland.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ay yihiin maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xabsiga, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor xabsigan iney ka baxsadeen maxaabiis tiro badan oo la sheegay iney ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka saakay ay geysteen maleeshiyo beeleed hubaysan oo doonayey iney xabsiga kala baxaan rag horay u dilay Allaha u naxariiste ganaccsade lagu magacaabi jiray Ahmed Tahliil, kuwaas oo Maxkamada sare ee Puntland dhawaan ku riday xukuno isugu jiray dil iyo xabsi.