Jimco, January 10, 2025 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa galinkii dambe ee Shalay howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka ka fuliyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in howgalada ay ku burburiyeen ilaa 16 isbaaro oo dhamaantood ahaa kuwa sharci daro, islamarkaana lagu dilay laguna dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii isbaarooyinka u yaaleen.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ahaa kooxaha isbaarada u taalay ayaa lagu dilay howlgalka mid kalana waa lagu dhawaacay, waxaana gacanta lagu soo dhigay ilaa 10 ruux oo isbaaro u tiilay wadada.
Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa sheegay in howlgalada isbaaro qaadista iyo amni xaqiijinta ay si rasmi ah u bilaawdeen ayna sii socan doonaan.
"Ciidamada maanta waxay qaadeen talaabadii ugu horeysay ee qaadista isbaarooyinka oo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii jidgooyooyinka u taalay dowladda way ka go'an tahay iney xaqiijiso amaanka gobolka, gaar ahaan Baledweyne"ayuu yiri Taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe.
Howlgaladaan isbaaro qaadista ee NISA ka sameeysay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan ayaa imaanaya, kadib markii dhawaan ganacsatada gobolka Hiiraan ay fariin cabasho ah u gudbiyeen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ku sugan Baledweyne.
Isbaarooyinka la qaaday ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay xaalad sicir barar kusoo kordhiyay qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga, waxaana howlgaladaan si weyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baledweyne.