1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2025
Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya oo berri kulan saddex-geesood ah ku leh magaalada Qaahira

Muqdisho (HOL) — Dowladda Masar ayaa maalinta Sabtida ee berri martigelin doonta wada-hadallo saddex-geesood ah oo dhexmaraya Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa shir-guddoomin doona kulanka ay ka qeyb-geli doonaan wasiirrada dhigiisa ah ee Soomaaliya, Axmed Moallim Fiqi, iyo Osman Saleh Maxamed oo ka socda Eritrea. Kulamadan saddex-geesoodka ayaa lagu sii ambaqaadayaa heshiisyadii lagu gaaray shirkii Asmara ee bishii Oktoobar 2024, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka, loo ilaalin lahaa marin-biyoodka Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaalaha.

Hoggaamiyeyaasha Masar, Soomaaliya, iyo Eritrea ayaa bishii Octoobar ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga, kadib markii Itoobiya ay heshiis muran dhaliyey la gashay maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaaday inay saldhig ciidan ka dhisato xeebaha Somaliland, talaabadaasi oo dowladda Soomaaliya ay diiday.

Dowladda Turkiga ayaa bishii Diseembar 2024 heshiisiisay dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay oggolaatay in ay ka noqoto heshiiska Somaliland, isla markaana loo oggolaado in dekadaha Soomaaliya ay ku isticmaasho heshiis laba-geesood calami ah. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka weli taagan ayaa muujinaya caqabadaha siyaasadda gobolka.

Kulanka berri ka furmaya magaalada Qaahira ayaa si gaar ah xoogga loogu saari doonaa ilaalinta waddooyinka ganacsiga ee muhiimka ah ee Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, la-dagaalanka burcad-baddeeda, iyo xakamaynta tahriibinta sharci-darrada ah.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sidoo kale ku sugan Qaahira, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay dhigiisa Masar. Kulamadan ayaa diiradda saaraya kaalinta Masar ee Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo suurtagalnimada in ciidamada Masar loo adeegsado dadaallada nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in wada hadallo dheeraad ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Masar ay qabsoomaan bartamaha toddobaadka soo socda si loo dhammeystiro faahfaahinta iskaashiga milatari iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee loo baahan yahay.