1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2025
Dagaal beeleed ka dhacay galbeedka gobolka Mudug oo heshiis laga gaaray

Jimco, January 10, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanada Galbeedka Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya inay jiraan xal ka gaarista dagaal beeledyo kusoo laalabtay degaanadaasi kadib dadaalo ay arintaasi ku bixiyeen maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Adam (Gaboobe) oo hogaaminayay Wafdiga Galmudug uga qeybgalayay kulamada Xal kagaarista xiisadaha Colaadeed Ee Galbeedka Gobolka Mudug, waxa uu tilmaamay ayaa labada Dowlad Goboleed ay ka go'an tahay nabad ka dhalinta Galbeedka Gobolka Mudug.

Waxaa jira dhowr qodob oo heshiisyada nabadeed laga soo saaray oo uu Wasiir Gaboobe xusay in Qodobada in loo dhaqan galin doono sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana dadka deegaanku ay horey usoo saareen Baaqa ku aadan Xabadda in la joojiyo.

Qodobada laga soo saaray kulamadaas waxaa qeyb ka ah in Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelihii dagaalamay in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah qodobada soo baxay In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha is dagaalay, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

Ugu dambeyntii waxaa la xusay In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin dagaal labada dhinac ah.