Hiiraan Online
11/24/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2024
Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kala duwan ku riday askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda
Axad, September, 8, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ku riday Dable Nisa Mahad Cali Cabdi oo ah qisaasta Marxmuun Cabdiraxmaan Cismaan Muuse, halka Dable Bol Cadnaan Muuse Maxamed Maxkamaddu ku xukuntay lix sano oo xabsi ciidan ah.
Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse ayaa 27-kii bishii lixaad ee sanadkaan u geeriyooday is rasaaseyn dhex martay labada askari ee maanta lagu kala xukumay toogashada iyo xabsiga lixda sano, xili uu ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.
Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukun Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday labadaan askari 28-kii bshii August.
Ugu dambeynti Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka labadaan nin.