10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Xubin ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda
 

Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 28-aad qeybta 21-aad ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay Qaasim Axmed Dhuxul oo ah xubin ka tirsan mudo dheer kooxda Al-shabaab.

Qaasim Axmed Dhuxul oo looga yaqiinay kooxda dhexdeeda Suulal Ceyn ayaa kasoo goostay Al-shabaab, kadib mudo sideed sano ah oo uu ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana uu kala soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha dalka.

Ninkaan ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al,shabaab oo uu isku soo dhiibo ciidamada dowladda, isagoona si gaar ah ula soo xiriiray saraakiil ay isku heyb yihiin oo ku sugan deegaanka Masagawaa.

Waxuu sidoo kale sheegay Qaasim in kooxda Al-shabaab dhaxdooda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo uu u adkeysan waayay, islamarkaana sababay inuu kasoo goosto kooxda.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa si xoog leh isugu soo dhiibayay xubnaha kasoo goosanaya Al-shabaab ee ka faa'ideysana fursada cafiska ah ee dowladdu siisay xubnaha isaga soo taga Ururka Al-shabaab ee la geeyo xarumo loogu talo galay in lagu dhaqanceliyo.