10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Turkiga oo 3,000 oo tan oo gargaar bini'aadantinimo ah usoo diray Soomaaliya
 

Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Markab lagu magacaabo Goodness oo siday 3,000 oo tan oo gargaar bini'aadantinimo ah oo loogu talagalay Soomaaliya ayaa ka ambabaxay magaalada Mersin ee koonfurta dalka Turkiga.

Gargaarkan oo ay iska kaashadeen hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah ee AFAD oo ay taageerto hay’adda bisha cas ee Turkiga ayaa lagu soo raray markabka GHADA.

Xafladda sagootinta ah, ayaa madaxweynaha AFAD, Okay Memis waxa uu sheegay tan iyo 2016-kii, intii uu talada hayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, in Turkigu uu gaadhsiiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah dalka Soomaaliya, kaas oo u nugul masiibooyinka dabiiciga ah, oo ay ka mid yihiin abaaro, macaluul, fatahaado, iyo duufaanno. .

Markabka oo siday 130,000 oo xirmo oo raashin ah oo ay la socdaan agab nadaafadeed, dhar, iyo agabka hoyga ayaa laga dejiyay dekedda Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha gobolka Mersin Ali Hamza Pehlivan, madaxweyne ku xigeenka hay’adda bisha cas ee Turkiga Ramazan Saygili, agaasimaha gobolka AFAD Cenk Yildiz, iyo mas’uuliyiin kale.