10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Muqdisho: Gabar 5 sano jir ah oo laga soo tuuray dabaq 5 biyaano ah
 

Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Gabadhaan yar oo lagu magacaabi jiray Maryan Mahad Cadow oo aheyd 5 sano jir ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dabaq 5 biyaano ah oo Shalay laga soo tuuray, kaasoo ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in gabadhooda saakay u geeriyootay dhaawacii darnaa ee Shalay kasoo gaaray dabaqa laga soo tuuray.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in gabadhaan yar laga soo tuuro dabaqa, waxaana aabaha iyo hooyada dhalay gabadha yar ay dalbadeen in cadaalad u helaan kiiska gabadhooda.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hay’adaha amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdada gabadha yar looga soo tuuray dabaqa oo ah mid si weyn uga argagaxeen dadka ku nool degmada Cabdicasiis.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha yar marka dabaqa laga soo tuurayay ay ka timid Dugsi Quraan oo ay kusii jeeday gurigooda, waxaana hooyada dhashay gabadhada yar ay sheegtay in dabaqa laga soo tuuray gabadheeda uu dagan yahay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.

Dhacdadaan ayaa ah mid saacadahii lasoo dhaafay si weyn u hadal hayaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis iyo degmooyinka ku xeeran, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in la xiray dad ku eedeysan kiiska gabadhaan yar.