10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa tuug khiyaanoole ah qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha"
 

Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka sanadlaha ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa markale si adag uga hadlay arrimaha Canshuurta.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in khiyaanoole uu yahay qofka ka dhuunta bixinta lacagaha Canshuurta ah, islamarkaana dowladda ay la xisaabtami doonto cid walba oo diidan bixinta lacagaha Canshuurta.

"Haddii laga dhuunto Canshuur bixinta waa tuuganimo iyo dambi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka Merchant-ga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, wuxuuna ku adkeeyey iney masuuliyad gaar ah iska saaraan bixinta Canshuuraha oo qeyb weyn ka ah jiritaanka dowladnimo.

"Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya, iyadoo ganacsatada intooda badan ka fujiyeen nambaradii gaarka ahaa ee ku ganacsan jireen ee loo yaqaano Merchant-ga, kadib markii dowladda nambaradaasi ganacsi kusoo rogtay in laga jaro lagacaha Canshuurta.