10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Abdel Fattah el-Sisi: Soomaaliya kuma taageerno xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya darteed

Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa caddeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yidhi Madaxweyne el-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka qayb galayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo ka qalin jabisay akadeemiyada Booliska Axaddii shalay.

Hadalka Madaxweyne el-Sisi ayaa daba socda muddo toddobaad ah oo la hadal hayay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya.

Todobaadkii hore waxaa Soomaaliya soo gaaray markab sida shixnad gargaar milatari oo aad u badan oo ka timid ciidamada qalabka sida ee Masar.

“Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hoosta ka xariiqay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

Taageerada milateri oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa muujinaysa tallaabo lagu xoojinayo saamaynta  Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira.

Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay labada dal xoojinta xiriirka labada dal iyo xoojinta amniga gobolka.