10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo beeniyay wararka sheegaya in madaxweyne Geelle uu aad u xanuunsanayo
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu aad u xanuunsanayo, kaddib markii Sabtidii la dhigay isbitaal.

Qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter-kii hore) ayuu Dawaaleh ku xaqiijiyay in madaxweyne Geelle caafimaadkiisu wanaagsan yahay balse uu qabo dhibaato dhanka jilibka midig ah.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha loo duuliyay magaalada Paris sababo la xiriira xanuun halis ah oo kusoo booday, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin.

Jabuuti ayaa xirtay qadka Internet iyadoo looga gol leeyahay ka hortagga faafinta wararka ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo dalka Jabuuti hoggaaminaya tan iyo sannadkii 1999-kii, ayaa waxaa xusid mudan inuu ka maqnaa doodda guud ee Kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, kaasoo ay ka qaybgaleen madax badan oo Afrikaan ah.