10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Ciidanka Xoogga dalka oo wada howlgalo la isugu furaayo wadooyin u xiran Al-shabaab
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ku yaala Waqooyiga gobolka Baay.

Ciidamada ayaa howlgaladooda ku doonaya iney isugu furaan wadooyinka muhiimka ah ee xariiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo oo intooda badan ay go'doon u yihiin kooxda Al-shabaab.

Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka dhame Axmed Macalin Cabdiraxmaan oo hoggaaminayay ciidanka howlgalada wada ayaa sheegay in howlgaladan ay sii wadayaan inta ay isku furayaan dhamaan wadooyinka u xiran Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada xoogga dalka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Galmudug ayaa ah haatan deegaanada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada lagu doonayo in Al-shabaab looga xureeyo guud ahaan dalka.