10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Itoobiya waxay la wareegtay garoomo diyaaradeed iyo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Gobolka Gedo"
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Telefashinka Aljazeera ayaa si adag uga hadlay xadgudubyada dowladda Itoobiya ay ku hayso madax banaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in Itoobiya ay la wareegtay garoomo diyaaradeed iyo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

“Itoobiya waxay waxay la wareegtay Garoomo Diyaaradeed oo ku yaalla Koofurta Dalka sida Gobolka Gedo, iyada oo ku doodeysa in lay kahortageyso in Masar ay timaado Waddanka, mana garaneyso sharciga ay ku qotomaan ficilladaas” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidioo kale sheegay madaxweynaha in arinta badda Itoobiya go'aankeedu uu yahay iney si xoog ah ku yeelato qeyb ka mid ah Badda Cas ee Soomaaliya, taasina aysan noqon doonin mid marnaba u hirgali doonto dowladda Itoobiya.

“Itoobiya Deked ma rabto ee waxay dooneysaa inay awood ciidan ku yeelato Badda Cas Taasina ma suuragaleyso, Itoobiya waxay rabta in labo sababood kusoo gaarto badda Soomaaliya, tan koowaad waa in ay deked ka sameysato halka dhabbaha labaad uu yahay in ay saldhig ciidan badda ah ay hesho, taasina waxa ay kahor imaaneysaa madaxbannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha hor istaagay Wadahadaladii mudada sadexda jeer ah dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee markii afaraad oo loo balansanaa qabsoomi waayay.

“Saddex jeer ayaa wadahadallo lagu qabto Nairob Kenya iyo Turkiga oo labo mar ah, waxa fashiliyay waa in ay Itoobiya ku adkeysaneyso heshiiska ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wadahadal ma dhici karo ilaa inta Itoobiya ugu soo laabanayso hannaanka caalamiga ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.

Isagoo ka hadlayay dhinaca wararka la xariira in dowladda Masar ku biireyso howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay u madax banaan tahay dalbashada cida ay ka qeyb galineyso howlgalka iyo cida ay iska diideyso.

"Masar way dalban kartaa iney kamid noqon karto Ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya waana ka aqbali karnaa, balse Itoobiya halkaas door ugama furno waayo Masar iyo Soomaaliya waa labo dal oo muddo fog saaxiibo ah, go’aankeena anaga ayaa iska leh cidda aan la heshiineyso iyo cidda aan diideyno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.