10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Itoobiya oo cambaaraysay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Itoobiya ayaa cambaareysay qaraxii shalay  ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan qof oo rayid u badan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay, in Itoobiya ay ka go'an tahay inay garab istaagto shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Maalmo ka hor dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in loo baahan yahay in si taxaddar leh looga fiirsado bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya).

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgelinayo dadaallada joogtada ah ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ATMIS ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Taye ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay horumarinta nabad iyo ammaan waarta oo ka dhacda gobolka Geeska Afrika.