10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Itoobiya oo ugu baaqday Soomaaliya inay xoogga saarto arrimaheeda gudaha, iskana ilowdo hehiiska Somaliland
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa meesha ka saaray eedeymaha Soomaaliya ee la xiriira heshiiska is-afgaradka ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Taye Atske-Selassie ayaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, wuxuuna Soomaaliya ku eedeeyay in ay isku dayayso in ay daboosho xiisadaha siyaasadeed ee gudaha dalka ka jira iyada oo hurinaysa colaad sida uu sheegay.

Danjire Taye oo khudbad ka jeediyay shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ayaa difaacay heshiiska, isagoo ku macneeyay inuu ku saleysan yahay hannaan looga gol leeyahay in lagu hormariyo kobaca gobolka. Waxa uu sidoo kale xusay in heshiisyo la mid ah ay galeen dowlado kale.

"Sidaas darteed, waxaan diiday eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee dalkayga loo jeediyay. Magaca Itoobiya marna lama xiriirin karo eedeymahan midkood." ," ayuu yiri Danjire Taye.

Xiisada u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii 1-dii January heshiis is-afgarad ah uu dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ujeedkiisu ahaa in Itoobiya hesho badda si ay Somaliland u aqoonsato.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku booriyay Soomaaliya inay xoogga saarto wax ka qabashada argagixisada, isagoo ku baaqay in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee qalalaasaha iyo qaska ku haya dadka gobolka.

Hadalka danjire Taye ayaa jawaab u ahaa hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaasoo ku eedeeyay Itoobiya inay ku kacday falal si bareer ah ugu xad-gudbay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.