10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2024
Khasaare ka dhashay qarax miino oo ka dhacay suuqa Xoolaha ee magaalada Jowhar
 

Sabti, September, 28, 2024 (HOL) - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax miino oo maanta ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar.

Dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa dhammaantood ka mid ahaa ganacsatada suuqa, halka 12 neef oo ari ah ay ku dhinteen qaraxa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada goobta.

Taliyaha booliska degmada Jowhar, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay mas'uul ka tahay qaraxa, isagoo ballan qaaday inay kordhin doonaan ammaanka magaalada si looga hortago weerarro dambe.

"Kooxda al-Shabaab ayaa miino ku aasay nawaaxiga suuqa, waxaana ku dhintay hal qof, saddexna waa ay ku dhaawacmeen. Cadowga wuxuu caadeystay inuu laayo ummadda," ayuu yiri taliyaha booliska.

Suuqa xoolaha ee Jowhar ayaa ah mid si weyn u mashquul ah, gaar ahaan maalinta Sabtida, maadaama dad badan ay suuqa yimaadaan si ay u iibsadaan xoolo fara badan oo halkaas la keeno.