10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2024
Guddoonka Golaha Shacabka oo loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda
 

Sabti, September, 28, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka Golaha u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaanadda gudbiyay Mooshinka ka dhanka Wasiir Fiqi ayaa Mooshinkooda ku saleeyay saluug badan oo ay ka qabaan shaqada Wasaaradda oo ay tilmaameen inuu isku soo koobay Wasiirka dhamaan shaqadii Wasaaraddaas.

Xildhibaannada gudbiyay Mooshinka ayaa sidoo kale sheegeen in Shaabada Wasaaradda ay isticmaalaan shirkado gaar loo leeyahay, islamarkaana lacagaha ay shirkadahaas ku helaan Shaabada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ineysan ku dhicin qasnadda dowladda Federaalka, taasina ay u baahan yihiin in dib u eegis lagu sameeyo shaqada Wasiirka.

Moshinka laga gudbiyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la filaya in looga doodi doono kulamada soo socda ee Baarlamaanka, waxaana wararku intaasi ku darayaan in xildhibaanada kasoo horjeeda Wasiir Fiqi iney wadaan abaabul balaaran oo ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka akhriso Warqada Mooshinka oo faahfaahsan:-