10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2024
Qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, September, 28, 2024 (HOL) - Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Geel doox, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo midi haweeney tahay ayaa ku dhintay qaraxaan oo wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo ku howlhan gurmadka dedka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda fedaraalka oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, waxaasa la filaya in saacadaha soo socda war kasoo saaraan hay'addaha amaanka.

Qaraxaan khasaaraha geystay ee goordhaw ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay qaraxyada noocaan oo kale ah ay ku yaradeen iney ka dhacaan gudaha magaalada Muqdisho.