10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2024
Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka oo Maanta la horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025
 

Arbaco, October, 9, 2024 (HOL) - Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kasoo Ajandahiisu ahaa Xisaab xirka sanad Maaliyadeedka 2023-ka iyo Akhrinta koowaad qoondada Miisaaniyadda 2025-ka.

Kulanka labada Aqal waxaa shir guddoomisay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa si faahfaahsan Senatarada iyo Xildhibaannada labada gole warbixin uga siiyay mashaariicda iyo meelaha ay horumarka ka sameeyeen.

Wasiir Biixi ayaa si gaar ah u dul istaagay kororka Miisaaniyadda akhrinta koowaad ee xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025, kaasoo ay maanta si weyn uga doodeen mudanayaasha labada gole oo yeeshay kulankoodii labaad oo wadajir ah.

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiyada maaliyadda ee labada gole loo gudbinayo warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025-ka si ay u soo gutaan waajibaadkooda.